Caasimada News
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, sidoo lalena ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa ka falciyay hadalka kasoo yeeray Itoobiya ee ku aadan inay xoog ama xeelad ku raadienso deked ay maalgashato.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal kooban soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in hadalkan aan la dheyalsan karin, isla-markaana loo baahan yahay in ka feedjignaadaan madaxda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka in ay il-gaara ku heyso damacaasi, si looga hortego qorshaha ay rabto Itoobiyaa.
“Lama dheyalsan karo farriimaha is daba-joogga ah ee ka imaanaya madaxda dawladda Itoobiya ee ku aaddan xaq u lahaanshaha in ay Itoobiya hesho meel ay Badda Cas ka gaarto” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Hadalkan ayaa jawaab u ah warkii uu soo saaray ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo dhowaan sheegay in ay xeebaha Saylac kamid yihiin goobaha ay rabaan inay ka helaan deked.
Sida uu Abiy sheegay ciddii deked siisa ay maalgashadaan, waxay u ogolyihiin in ay 20-30% dhaqaalaha Shirkada Diyaaradaha Itoobiya ama biyo xidheenka Abay ay siin doonaan sannadkasta.
Si kastaba, lama oga sida ay arrintan ugu suurageleyso Itoobiya, balse waxaa isha lagu hayaa Somaliland oo xuduud la leh, sidoo kalena ay leeyihiin xiriir wanaagsan.
Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa soo dhaweyay in Itoobiya ay maalgashato dekeda Saylac ee Somaliland.
Xildhibaanka oo ay warbaahintu su’aalo waydiisay ayaa sheegay in Itoobiya ay sifo sharci ah maalgashi ku rabto isla markaana loo baahanyahay in heshiis lala galo.
“Waxan aaminsanahay in ay sifo sharci ah ku doonayaan, meeshan aynu ku noolnahay waad ogtihiin dhibaatada duruufta dadkeena haysata, dekeda Berbera maahee 20 dekedood oo kale in la sameeyaana dadka reer Somaliland ayay dan u tahay” ayuu yidhi Abiib
Waxa uu sheegay in Imaaraatkuba ay maalgashadeen Dekeda Berbera, isla markaana ayna Somaliland ka qaadanayn, sidaa si lamid ah Itoobiyana ay maalgashan karto Dekeda Saylac iyada oo aan sifo sharci ah usoo maraysa.
Sida uu Raysal Wasaaraha Itoobiya sheegay cidi deked siisa ay maalgashadaan, waxay u ogolyihiin in ay 20-30% dhaqaalaha Shirkada Diyaaradaha Itoobiya ama biyo xidheenka Abay ay siin doonaan sannadkasta, taasi ayuuna xildhibaanku ku tilmaamay fursad fiican.
Dekeda Saylac ayaa ku jirtay dekedo uu dhawaan soo hadalqaaday Abiye, isaga oo sheegay in Itoobiya anay xoog wax ku doonayn lakiin sifo sharci ah ay damaceeda u marayso.
Abiye ayaa hore u sheegay in xoog iyo xeeladba ay isticmaali doonaan, si ay deked u helaan taasi oo uu kala kulmay dhaleecayn badan, sidookale, lama hubo awooda maalgashi ee Itoobiya, iyo in ay kasoo bixi karto heshiisyo dhaqaale oo waawayn.