Djibouti – Caasimada News
Madaxweynaha Jabbuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si weyn u taageerey in dib loo dhigo xilliga ay Soomaaliya ka baxayaan Ciidamada Nabad Ilaalinta ee ATMIS.
Dowladda Soomaaliya ayaa dabayaaqadii bishii September ee tagtay si rasmi ah codsatay in la hakiyo qorshihii bixitaanka ciidammadii Nabad Ilaalinta u joogay Soomaaliya, oo muddooyinkii u danbeeyey si qayb qayb ah uga baxayey guud ahaan fadhiisimmadii ay ku lahaayeen dalka.
Bisha December ee sanadka 2024 ayaa loo asteeyay waqtiga ugu dambeeya ee ay Soomaaliya ka baxayaan guud ahaan ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelle oo wareysi gaar ah siiyay telefishinka TRT World ayaa sheegay in haddii ay ciidamada ATMIS Soomaaliya ka baxaan iyada oo aan la diyaar garoobin ay dhaceyso xaalad jahweer ah oo la mid ah tii ka dhacday Afghanistan.
“Bilahan soo socda aad ayay muhiim u yihiin, haddii kale waxaanu marlabaad arki doonaa wixii ka dhacay Afghanistan markii ay ciidamada Mareykanka waddanka ka baxeen iyada oo aan diyaar garow jirin sidaa darteed tan Soomaaliya haddii ay sidaas dhacdo waxaa gebi ahaanba dhimanaya rajada dadka oo dhan.”
Horay Jabuuti iyo Kenya ayaa walaac uga muujiyay ka bixitaanka ATMIS ee Soomaaliya waxayna markaasi sheegeen in ciidamo ka socda labada dal oo ka madax bannaan kuwa ATMIS ay geyn doonaan guadaha Soomaaliya.
Maamulka Jubbaland ayaa isna walaac ka muujiyay bixitaan ciidamada Nabada Ilaalinta ee ATMIS iyagoo ku tilmaamay inuu ahaa go’aan aan laga fiirsan, horseedi karana in Al-shabaab ay qabsadaan goobaha ay baneeyaan ciidamada maaddaamaa ciidamada Soomaaliya ay ku adagtahay in sugaan amniga goobahaas.
Markii ay ciidamada ka baxeen qeybo ka mid ah goobihii ay sugnaayeen ayaa waxaa qaar ka mid ah dib u qabsaday Al-shabaab taas oo walaac badan abuurtay.
Dagaalka Al-Shabaab iyo kaalinta ATMIS
Shan iyo tobanka sano ee ay AMISOM joogtay Soomaaliya waxa ay dowladda Soomaaliya ka taageertay sugidda amniga goobaha muhiimka ah ee caasimadda, sida garoonka diyaaradaha, dekadda iyo xafiisyada madaxda sare. Waxa kale oo ay Al-Shabaab ka saartay magaalooyin muhiim ah.
Hase yeeshee waxaa lagu dhaliilay in aysan wax badan ka qaban wiiqidda awoodda Al-Shabaab oo weli khatar xooggan ku ah caasimadda iyo qeybo badan oo kamid ah Soomaaliya. Laakiin ciidamada Midowga Afrika kaalin weyn kuma leh duulaanka ka dhanka ah Al-Shabaab ee hadda socda oo loo arko kii ugu xooganaa ee jabka ugu weyn kasoo gaaro kooxda tobankii sanno ee u dambeeya, sida uu BBC u sheegay Faarax Ow Cusmaan, oo ah khabiir arrimaha amniga.
Wuxuu Faarax ku tilmaamay codsiga dowladda mid gar ah oo xaqiiqada la xiriira, isaga oo tilmaamay in dib u dhiga bixitaanka ciidamada ATMIS ee mudada kooban uu wax ka tari karo in ciidamada dowladda horey usii wadaan, una gacan banaanaadaan duulaanka ka dhanka Al-Shabaab. Codsiga dowladda ayaa loo badinayaa in uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu aqbli doono si ciidamada dowladda aysan ugu dhicin culeyska ka imaan kara inay la wareegaan masuuliyadda goobaha ay ciidamada Afrika hadda gacanta ku hayaan.
Dagaalkii ugu weynaa ee ka dhanka ah Al-Shabaab

XIGASHADA SAWIRKA,VILLA SOMALIA
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhammaadka bishii hore kula kulmay xoghayaha difaaca Mareykanka Lloyd Austin dalka Jabuuti. Mareykanka ayaa ka taageeraya Soomaaliya dagaalka Al-Shabaab oo ah kii ugu weynaa ee lagu qaado toddobaankii sano ee u dambeeyay, iyada oo laga saaray kooxda dhulkii ugu balaarnaa ee koonfurta iyo bartahama Soomaaliya.
Xoghayaha difaaca ee Mareynkanka ayaa ku amaanay ciidamada dowladda guulaha waa weyn ee ka gaareen kooxda Al-Shabaab. Dowladda ayaa sidoo kale xayiraad dhaqaale oo weyn kusoo rogtay kooxda, iyada oo la hakiyay lacago canshuur iyo baad ah oo ay ka qaadan jireen ilaha dhaqaalaha Soomaaliya. Kooxda ayaa laga qabsaday dhammaan xarumaha iyo dgemooyinka waa weyn ee gobolada Shabeelada Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, iyaga oo dhulkaas uga harsan meelo kooban oo dhulka miyiga ku yaal.