Caasimad News
Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto Madaxweyne uu soo saaray xilkii kaga qaaday wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga kuna magacaabay wasiir cusub.
Wareegtada madaxweyne Muuse Biixi ayaa lagu cadeeyay in xilka laga qaaday Axmed Aadan Jaamac oo ahaa wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga, waxaana wareegtada xilkan loogu magacaabay Raabbi Cabdi Maxamed.
Halkan ka Akriso wareegtada xil ka qaadista
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.
Ujeeddo: Magacaabid.
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;
Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aamiyey;
In Raabbi Cabdi Maxamed Maxamuud laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga Jamhuuriyadda Somaliland.